Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Diihaal Guuto on December 26, 2016, 11:10:57 AM
-
Asalaamu calaykum, waa salaamayaa bahda somalia doc iyo ku taxanayashaba.
Su'aashayda hadaan u gudbo.
Dr. malihi waqti cuna cunis oo xadidan, taas waxaan ula jeedaa tusaale Quraacda mar fajarka kahor baan cunaa marna barqa dheer marna maba cuno, qadada iyo cashadana sidoo kale.
Marka arintaas wax dhibaato cafimaad ah oo laga dhaxli karo ma jirtaa?
waa mahadsantihiin.
-
Cunnada oo la cuno waqti cayiman waxay leedahay faa'ido caafimaad, tusaale ahaan sida aad tilmaantay haddii aad maalin quraacatid salaad subax ka hor, maalinta ku xigtane aad barqo quraacatid. jirkaagu wuxuu galayaa xaalad loo yaqaano "stress mode", taasoo ah in jirka uu ku wareero xilliyada uu isku diyaarin lahaa cunnada.
Xaaladaan loo yaqaano "Stress mode", wuxuu jirka soo daayaa hormoon loo yaqaano "Cortisol", markuu hormoonkaan bato wuxuu jirka galiyaa khalkhal, sida in sokorta jirkaaga ay dhacdo, gaajo joogto ah aad dareentid.
Haddii aad awoodid ku dadaal in aad samaysatid waqti xadida oo aad cunno cuntid si jirkaaga uu ula qabsado, khalkhalne ugu dhicin dheecaanada jirka uu soo daayo.