Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Biyacade on December 26, 2016, 02:45:53 PM

Title: Su'aal: Garabka muruq ayaa iga galo?
Post by: Biyacade on December 26, 2016, 02:45:53 PM
?????? ?????
Salaan kadib digtoore waad ku mahadsan tahay sida hufan ee aad ugu howlan tahay ka jawaabista su'alaha walaalaha soomalida adiga iyo dhamaan inta ka qeyb qaadatay waxaan igu salaamay salaanta bislaamka ajir na allaha idin kuugu badalo inta kadib.

Digtoore: waxaan ahay nin dhalin yara ah da'deydu wa 29 jir waxaa i heysta dhib sedaxdi bil mar ama sanadkii 4 jeer waxaa qoorta ilaa garabka halka u ka so dhasho iga gala muruq.
Dhaqtar hadi an u tagon wuxu iso siiyaa masaajo iyo kaniini xanuun.
Muruqa wuxuu u badan yahay dhanka bidix badana wuxuu  ku haraa mergega qoorta.
Intaas waxaa ii sii dheer waxaan so toosaa jiifka kadib saq dhexe gacanta midig oo isuuxsan (kabaabyo) culeeys badan.
Title: Re: Su'aal: Garabka muruq ayaa iga galo?
Post by: SomaliDoc on March 18, 2017, 03:21:16 PM
Muruq si joogto ah kaaga jiro garabka iyo gacmaha mid ka mid ah ama labadooda oo ku kabaabyoodo waxay astaan u tahay cillad ku dhacda lafaha qoorta, haddii lafaha ay yeeshaan fiiq ama carjawda u dhaxayso lafahaas ay booskeeda ak soo baxdo, waxay labaduba cadaadis saaraan murqaha dareenak siiyo garbaha iyo gacamaha, waxaa muhiim ah in qoorta lagaa saaro raajada nuuca MRI, kadibne si haboon in lagaaga daaweeyo.

Waxay noqon kartaa cillad ka bilaabatay jug hore ama cillad ku dhacdo dadka si joogto ah qoorta u jucsada ama qaba xanuun alfaha qoorta galo oo la kala dhaxlo sida "cervical Spondylitis", fadlan dhakhtar aqoon u leh xanuunkaaga la xiriir si looga sal gaaro.