Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Deka Ahmed on December 27, 2016, 08:52:03 PM
-
Asc DR salaan kadib suasheyda uur Ayaan leyahay hadii aan u sexdo dhinaca bidix ilmaha shan qartiisa ayaa badan iyo naqasko igu dhegayo hadii aan u sexdo dhinaca midig caadi ayaan ahaay adigane waxad dhahday dhinaca Bodix halo sexdo maxaa xal eh adigoo mahadsan DR
-
Isbadalka jiifka qofka uurka leh waxay ku xiran tahay marxaladda uurka ay marayso, xilliga bilaha dambo waa xilliga ugu dhibka badan oo hooyadu dareento culeys siyaado ah khaasatan markay wax cunto. waxay kaloo ku xiran tahay cunuga dhinaca uu u janjeero, haddii marka labada dhinacba ay ku dhiabayso waxaa haboon in dhinaca bidix u jiifsatid si culeyska uga dago xididada waawayn ee caloosha dhex maro, laakiin haddii dhinaca midig aad ku nafisayso, dhianca midig u seexo waxaa laga yaabaa in cunuga uu is gadinayo ama cadaadis ku hayo dhianca bidix.
Mar walba dhinacii aan culeys kaa saarnayn u jiifso.
Qofkii uu dhaafay casharkii hore ee aan kaga hadalnay dhinacyada loo jiifto xilliga uurka ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6872.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6872.0)