Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: JamaMohamed on January 20, 2017, 09:39:42 PM

Title: Su'aal: Tobaneeyo sano ayaan siigeysanayay?
Post by: JamaMohamed on January 20, 2017, 09:39:42 PM
Asc waan Salaamayaa Madashaan muhimka u ah ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan ahay nin dhallinyaro ah muddo tobaneeyo sano ah ayaan siigaysanayey kadib waxaan goaansaday inaan joojiyo.

Tallaabadan joojinta ah markii aan qaaday muddo yar kaddiba waxaa igu bilowday in lugaha gaar ahaan dhudhunka ilaa bowdyaha ay noqdaan kulayl qandho oo kale ah oo xitaa gogosha aanan halmeel ku hayn karayn ilaa aan cabbaar markaan joogaba aan lugaha meel kale dhigo.

Haddii marka aan dib ugu laabto inaan biyo iska keeno waxaa dhacda inaan ka raysto maalmo.

Sidoo kale kaadidayda inta badan waa kulayl mararka qaar haddii aanan biyo badan cabbin jaalle ayay noqotaa.

Balwadda: qaadka uun baan marmar cunaa mana badsado sigaarna ma cabbo.

Marka Dictore arrintaasi maxay tahay maxaadse igula talin?

Title: Re: Su'aal: Tobaneeyo sano ayaan siigeysanayay?
Post by: SomaliDoc on April 24, 2017, 02:56:21 PM
Astaamaha aad dareemaysid, waxyaabo badan ayaa sabab u noqn kara, qasab ma ahan inay siigeysigu tahay.
Maadaama aad sheeganaysid in kaadida ay kulushahay, midabkeeduna uu badalan yahay, waxaa dhici karta inuu caabuq kaadi mareenka uu jiro, waxaa kaloo suuragal ah in cudurka gaaska uu ku hayo maadaama aad balwada leedahay, nafaqadane inay kugu yar tahay ay dhici karto, in muddo ahne aad siigaysanaysay, fadlan dhakhtar la xiriir si laguu baaro loona ogaado dhibkaaga halka uu ka socdo.

Halkaan ka akhriso dhibaatooyinka laga dhaxlo cillada siigeysiga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2209.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2209.0)