Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kaafi.A on January 21, 2017, 01:30:00 AM

Title: Su'aal: Jilbahayga dhawaaq ayay leeyihiin?
Post by: Kaafi.A on January 21, 2017, 01:30:00 AM
Asc wr wb dhamaan doctorada isku xilqaantay in ay bulshada garab istaagaan unu hiiliyaan baahiyadoodana haqabtiraan waxan idin leeyahay ALLE HA IDINKA ABAAL MARIYO WAX QABAD KIINA.


1)SU.AASHEYDU WAA,  Dr. Waxan ahay dhalinyaro 27 jir ah misane waxan isku arkay  dhowr sano ah Jilbaha markaan istaagaayo dhawaq leh weliba daqiiqad hadan fariisto aana istaago wuu shanqaraayaa sida in faraha la juciyay oo kale,

2) mida xigta Dr. Lafdheerta jilibka ka hooseysa markii aan damco inan ordo waxan ka dareenaa iney i jebi rabto oo kale marmarka qaar waxan is dhahaa adigoo socdo armaad jabtaa waxaa ka dareenaa iney aad u dabacsan tahay jibna ay u nugushahay.


Waan jeclaan lahaa inaad tallo iyo tusaalaba iga siisaan  sidaan tallo ka yeeli lahaa.

ASC WR WB   MAHAD SANIDIIN DHAMAAN

Title: Re: Su'aal: Jilbahayga dhawaaq ayay leeyihiin?
Post by: SomaliDoc on April 26, 2017, 11:28:06 AM
Xanuun aad ka dareento kalagoyska jilibka ma ahan wax murqaha la xiriiro haddii aad leedahay shanqar, xanuun daqnasho leh markaa dhaqaaqdo ama kalagoyska aad dhaqdhaqaajiso, waxaana keeni karo xanuun kalagoyska ku dhaca noocuu rabo ha noqdo, ama cillad lafaha, seedaha ama ruugagga ah.

Xanuun roomaatiisam ama riix ah ama cillad dhareerka kala goyska ku jiro.

Lafo beel sida in maadada kalsiyamta ama fitamiin d-ga oo ku gu yar.

Sidaa darteed waxaad u baahan tahay in lagugu sameeyo baaritaano lagu kala hubsanaayo xanuunadaas.

Halkaan ka akhriso qoraallo ku saabsan jilba xanuunka iyo kla goysyada, si aad fikrad uga qaadato.
1- RIIXA: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html)
2- XUBNO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,403.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,403.0.html)
3- JILBO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3654.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3654.0.html)
4- FIBROMYALIGA: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2543.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2543.0.html)
5- DHABAR-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,588.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,588.0.html)
6- LAFOBEEL: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2132.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2132.0.html)
7- MURQO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1436.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1436.0.html)