Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Torayo on January 26, 2017, 03:35:43 PM

Title: Su'aal: Cunto xumida caruurta?
Post by: Torayo on January 26, 2017, 03:35:43 PM
Dre maxa keeno cunuga oo aana baahi so qabanin 24 hrs.
marki aan isku dayo inaan cunto siiyana ooya
Hadii aan cuntadii ukala badalayna wali wa sidiisi.
Lkn marki aan ku qasbo oo gacmaha ka qaqabto oo qaando ku siiyo wu cunayaa wax dhib ahna kuma qabo.
Wuxuu jiraa  14 bil culayska 10.5kg ma caadi baa.
Horaa dhaqtar u geeyay aad buu u cfmd qabaaa alx.
Title: Re: Su'aal: Cunto xumida caruurta?
Post by: SomaliDoc on May 01, 2017, 09:56:06 AM
Celceliska miisaankiisu waa dabiici, waxyaabo badan ayaa caruurta u keeni karo cunno xumo, qaar waa cudurro sida cabeebka afka ku dhaco, calool majiirka, gooryaanka, xanuunada kale ee caabuqa raaga sida Tb-da iyo waxyaabo kale oo badan.

Iyadoo cudur aan ahayn cunuga wuu diidi karaa cunnada sida: in waqti walba ay hooyada rabto inay cunno siiso isagoo ciyaarayo ama mashquulsan, isagoo aan waqti u go'an cunnada la hayn, iyadoo cunno gooni ah uu diidayo ama xasaasiyad ku qabo iyo inay caloosha fadhisaba oo uusan hammi cunto lahayn ama in mar dhaw naaska laga gooyay oo uu cunnada sidaa ku diidan yahay iyadane way dhacdaa.

Waxyaabahaas iyo wax ka badanba waxay hooyada ku fahmi kartaa inay cunugeeda u fiirsato dabcigiisa iyo haddii cillado jiraan.