Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Zuuzuu on January 27, 2017, 11:53:54 PM
-
Asc dr waxan ahay hoyo 23 jir ah waxa laygu qalay cunugeyga iigu horeyay wax jirana ma la igu qalin sababta qalinka ikenty waxa weye xanunka oo iga tan badiyay awged aniga aya dalbaday anigo cadi u dhali kara side iishegen dhaqatirta waliba 3mitir bis aya i harsaned fosha ayaa aad igu kululed 2days ayaan foolanayay alxd marka dr mar 2aad cadi ma u dhali karaa ilaa mudo intee ah ayaan uur ku qadi karaa cunugeygana naaska ma cabo wu iga diday sideese iskaaga ilaalin karaa oo caafimaadkana iigu wanagsan mida kle aan qabo waxa weye dr anigo intaa qalan calosha maxan ku yaren karaa oo dabici ah dhibna iiga imanen mesha qalan
-
Haa, si caadi ah waad u dhali kartaa insha'llah, sababtoo ah sida aad tilmaantay ma jirto sabab aad ugu baahan kartid qalliin marka soo socdo.
Akhriso halkaan qoraal ku saabsan sababaha caafimaad ee qasabka ah in hooyada la qalo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5532.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5532.0)