Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hadiis Samawade on January 31, 2017, 10:40:22 PM
-
Asc marka hore waan salaamay dhamaan doctorada page kan iyo asxaabta sharafta leh ee kuxidhan pagekan ama websitekan
hadii aan ugudbo su .aashayda
waa sidan .
waxa ixanuuna jilibka ama lowga kolba sidaad utaqaanaanba waxana ahaan jiray nin orod badan hadana ciyara kubada cagta taas oo aan aad ujeclaa ciyaaristeeda ayaan gabi ahaanba aan awoodi waayay inaan kubada ciyaaro hadana aan socodkii kari waayay taasoo igu kaliftay inaan dhugtiyo ama aan laangadheeyo lkn sababta kadanbaysana magaranayo sida :Nabar igu dhacay ama kuftin aan kufay oo aan dhoho lowga nabarkaas ayaa iiga dhacay majirto waxaan lakulmay xanuun joogto ah
dawooyin yaryar ayaan isticmaalay diclofanac Gell ama diclo sprayer .xabad sowdo iyo geedka layidhahdo muringa ama Mawe geedka ladhoho
Runtii waxba iskama badalin oo wali sidii ayaan ahay oo waan dhuktiyaa badanaaa IMA xanuuno waa marka aan socon rabo oo miisaankayga ayuu diidayaa ama culuskayga marka waxaan ubaahnaa talo iyo tsuaale inaad iga siisaan dawo aan u isticmaalana aad iisheegtaan insha allh
-
Waxaad u baahan tahay in jilibka lagaa sawiro, weliba lagaa saaro haddii aad heli kartid sawirka MRI, sababtoo ah dhaawacyada jilibka gaaro badanaa waa seedaha iyo carjawyada isku haaya, raajane lagu arko cilladahaas. Markii cillada la ogaado ayaa xalka haboon la garan karaa.