Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Gorod on May 10, 2011, 10:46:53 AM
-
waxaan sidoo kale qabaa suaal ku saabsan dareenka shahwada ayaa iga yaraaday amaba istaagay oo haweenka muraad kama yeelan karo sababtoo ah waxaa iga yaraatay himadii iyo dareenkii sidaa daraadeed anigoo raba inaan la istimtaaco xaaskeyga hadana waxba ma samayn karo oo bahalkeyga ma kacayo waa suaal?
tan labaad xidida xiniin yahayga aad ayay u jilceen aad iyo aad ayayna u yar yaraadeen oo u dhuu dhuubteen ee maxaan sameeyaa hadaa la riixana waa i xanuunayaan kiishka qooruhu ku jiraana waa ay balaarteen oo aad iyo aad na u jilceen marka loo fiiriyo sida ay ahaan jireen markii ay caafimaad qaabeen
tan 3aad xiniinyaha laftigoodu waa ay yar yaraadeen sidiii wax aan jirin ama unugyo aad iyo yar yar bey isu bedeleen.
maxaa talo ah ama daawo ah oo aad igula talin lahaydeen?
-
waxaan sidoo kale qabaa suaal ku saabsan dareenka shahwada ayaa iga yaraaday amaba istaagay oo haweenka muraad kama yeelan karo sababtoo ah waxaa iga yaraatay himadii iyo dareenkii sidaa daraadeed anigoo raba inaan la istimtaaco xaaskeyga hadana waxba ma samayn karo oo bahalkeyga ma kacayo waa suaal?
Midda ku saabsan himmad yarida waxaad kaga boagan kartaa halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html)
tan labaad xidida xiniin yahayga aad ayay u jilceen aad iyo aad ayayna u yar yaraadeen oo u dhuu dhuubteen ee maxaan sameeyaa hadaa la riixana waa i xanuunayaan kiishka qooruhu ku jiraana waa ay balaarteen oo aad iyo aad na u jilceen marka loo fiiriyo sida ay ahaan jireen markii ay caafimaad qaabeen.
tan 3aad xiniinyaha laftigoodu waa ay yar yaraadeen sidiii wax aan jirin ama unugyo aad iyo yar yar bey isu bedeleen.
maxaa talo ah ama daawo ah oo aad igula talin lahaydeen?
Xaniinya oo ku daqanata, barar keento ama miraha ay yaraadaan ama baaba'aanaba waxaa keena caabuq ku dhaca xaniinta, caabuqaas waxa laga qaadi akraa cudur galmo ama mid kalaba, caabuqa waxaa keeni kara bakteeriyo ama feyras.
Sidaadarteed waxaan kugu lata linaynaa in aa la xiriirtid takhtar is laguu wiisiteeyo, baaritaanane laguugu diro, daawane waad helaysaa idinke eebbe.
Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad na weydiin kartaa.
SomaliDoc