Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ugaash on February 04, 2017, 05:03:39 PM

Title: Su'aal: Lug xanuun, gaar ahaan ciribta ee xilig uur?
Post by: Ugaash on February 04, 2017, 05:03:39 PM
A.c Doctors,

marka hore waad mahadsantihiin sida aad dadka ugu faaiidaysaan aqoontiina.
Suaal. xaaskayga waxaa qabta xanuun lugta midig ah gaar ahaan ciribta (guurguura) markasta oo ay uur yeelato. badanaa xanuunku wuxuu aad uqabtaa marka ay istaaga badsato,balse arinta aanan fahmin waxaytahay xanuunku wuxuu qabtaa marka ay uur leedahay kaliya, xitaa hadii uurkaas uusan culays ku ahayn sida marka ay 3biloodtahay oo kale.
Title: Re: Su'aal: Lug xanuun, gaar ahaan ciribta ee xilig uur?
Post by: SomaliDoc on May 08, 2017, 03:15:54 PM
Qasab ma ahan inuu uurka culeys yahay, isbadal badan ayaa ku dhaca hooyada markay uur qaado, waxaa ka mid ah in seedaha jirkeeda ku jiro ay dabcaan una adkaysan kari waayaan waxyaabo markii hore caadi u ahaa.

Hooyada uurka leh hadday muddo istaagnaato ama qaadato kabo cirbo leh ama caguhu bararsan yihiin ama xittaa kaalsiyamka uu ku yar yahay lafaha waxay ku dhaco cago xanuun kuwaasoo noqon karo seedo xanuun, weliba nuuca loo yaqaano "Plantar Fasciitis" ama cirib fiiqowga oo halkaan aad ka akhrisan kartid: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3429.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3429.0)

Waa muhiim inay gashataa kabo jilcan, istaagga badan iska ilaaliso, habeenkiina biyo qandac ah ay cirbaha gashato, maadada kaalsiyamtane ay qaadato way ka fiicnaanaysaa insha'llah