Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Layla som on February 13, 2017, 06:45:11 PM

Title: Su'aal: Madax xanuun saa'id ah?
Post by: Layla som on February 13, 2017, 06:45:11 PM
Asc Dr, waxan jeclan lahaa inaa Ku weydiiyo, waxaan leeyayahy madax xanuun saa'id ah, waxaan dareemayaa markaan guriga joogo, waxaan ahay qof xaas ah hadii maanta an xafada kabaxo aan lasheekeysto asxaabta waxaan daremayaa caafimad hadii guriga kusoo noqdo madax xanuun caajis iyo xumad aan badneyn baa dareemaya gurigana xajiga wuu joga, waxan utagay dhakhtar cudurada guud baa layga qaaday waxaan layga helay dhiiga fayga, vuse ka , quuman waan qabay dhakhtarka daawa kasta wan qaatay ilaa heer aan gaaro oo quumanki qalii. Laygu sameeyo madaxina wali waa xanuuna waa guriga hadii aan joogo hadii dad bulsha ah dhexgalo ama dad aan lashekeysanyo banaka ubaxo caafimad ban dareemaya
Title: Re: Su'aal: Madax xanuun saa'id ah?
Post by: SomaliDoc on May 13, 2017, 08:14:50 PM
Waa nuuc ka mid ah madax xanuunka waxaana loo yaqaanaa "Tension headache", waxyaabaha ugu badan ee keeno waa "stress-ka", astaamaha lagu garto madax xanuunkaan waxaa ka mid ah fakar, welwel, caajis, qoor xanuun iyo culeys garbaha kaa saaraan, madaxa oo dhafoorrada kaa xanuuno weliba aad dareemayso in lagaa cadaadinaayo.

Wuxuu qofka madax xanuunkaan dareemaa markuu xaalad diiqad galo, waana in diiqad ama niyad jab ahaan laguu daaweeyo, sababtoo ah daawooyinka madax xanuunka caadiga ah isbadal weyn kuma helaan dadka leh astaamahaan.

Akhriso qoraal ku saabsan diiqadda: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=872.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=872.0)

Waxaa kaloo halkaan ka akhrisataa nuucyada madax xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=298.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=298.0)

Midda kale baaritaanka lagu yiri wuu kacsan yahay maahan baaritaan u gooni ah cudur oo waxyaabo badan ayaa kiciyo, wax wayne laguma dhisi karo, akhriso qoraal aan ku faahfaahiyay baaristaanka dhiigga fayska ee "ESR": http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6001.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6001.0)