Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Diihaal Guuto on February 13, 2017, 07:10:35 PM
-
ASC doctor waxaan cunaa maalinkii qiyaastii 10 xabo oo ukunta digaaga ah
waa tiro badan, ma jirtaa halis ama dhibaato ay ukuntani caafimaadka u leedahay.
FG:~ Habnololeedkaygu waa mid fir-fircoon oo leh excise iyo socod badan oo joogta ah.
su'asha 2aad sida aan ognahay ukunta waxay ka koobantahay qeyb cad(xab) iyo qeyb midableh hadaba proteinka ukuntu qeybtee ku jiraa ama u badan yahay sidoo kale cholestrerolkuna qeybtee ku jiraa
Aadbaad u mahadsantihiin waxaan filayaa inaad si faahfaahsan ii ga haqab tiri doontaan su'aashaas
-
Wax walba xadkooda haday dhaafaan caafimaadka uma roona, waxay dhakhaatiirtu tiraahdaa, 3 ukun ugu badnaan ayaa u fiican qofka inuu cuno maalintii, laakiin hadday 7 ukun ka bataan halkii maalin qofka wuxuu la kulmayaa caafimaad darro.
Inkastoo ukuntu ay jirka muhiim u tahay, borotiinka ugu fiicanne laga helo, laakiin waxaa ku jiro dufanta nuuca kolestaroolka loo yaqaano, marka hadduu qofka xad dhaaf u cuno sida aad samaysid oo kole waxaa jirka ku badanayo dufankaas, wuxuuna qofka halis u galayaa in xididada wadnaha uu subag fadhiistaan, taasina waa halis kale oo wadne qabad ayaa ka dhalan karo.
Akhriso qoraal ku saaabsan cudurka kolestaroolka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1461.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1461.0)