Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdirahman200 on February 18, 2017, 01:29:46 AM

Title: Su'aal: Guux Maskaxeed?
Post by: Abdirahman200 on February 18, 2017, 01:29:46 AM
Dr ASC Wr Wb.
Dr. Salan Kadib. waxan ahay nin dhalinyaro ah waxan donaya inan ku waydiiyo arin aan isku arkay muddo hada laga jogo 4 sano, waqtigan reerka  yeeshay. Dr. waxan isku arkay arin iga yaabisay, Marki lagaaro habeenki oo aan isku diyaariyo inaan seexdo, markaan indha isgaliyo o an wax yar hurdo ila 5 daqiiqo camal ama ka yar ayaa waxa madaxa gudihiisa laygaga fura dhawaaq, guux iyo hugun aan caadi ahayn jirka o dhana wa i gariiraya markaas. waxan isku dayaya inaan kaco lkn ma awoodayo, xaaska lahadal bn damcaya ma awoodayo iyana hadal bn damcaya ma awoodayo ilaa intaa u socdo guuxu. kadib waxan bilaaba inaan NIYADA KA ACUUDU BILAYSTO ileen ma hadli karee.
Saan niyada uga acuudu bilaysanayo ayuu marka dambe iga istaaga dhawaaqi iyo guuxi maskaxda iga haystay. waana habeenki kaliya arintaan ilaa daqiiqad ama daqiiqad iyo bar camal yey soconaysa guuxaan. bishi labo ama mar ayaan la kulma arintaan mar marna mudo marki la joogo ayuu igu bilaabma...Dr. marka arintaan maxay kula tahay caafimaad ahaan....
Title: Re: Su'aal: Guux Maskaxeed?
Post by: SomaliDoc on May 23, 2017, 08:58:01 PM
Cilladaan waxaa loo yaqaanaa "Sleep paralysis", horay ayaan uga hadalnay ee ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7649.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7649.0)