Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hassan Haayir on March 06, 2017, 11:49:52 AM
-
Asc Doctor , waxan ahay arday dhigta kuliyada cafimadka ,Amoud . Markaan wax akhrinyo ayaa waxan darema cajis fara badan iyo culays madaxa ah marmarka qaar qoorta ayaa i xanunta marka diktore ado mahadsan side cajiska badan iyo qoor xanunka ula tacaali kara, mahadsanid.
-
Waxay u badan tahay in qaabka aad u fadhiisato markaad wax akhrinayso inuu qaldan yahay khaasatan haddii aad dhulka adigoo fadhiya aad wax akhrisatid, waa in dhabarkaagu uu toosan yahay, kursi ku fadhiisataa, buugga aad akhrinaysidne uu 30 cm u jiraa indhahaaga meel la siman, hadduu kaa hooseeyo qoorta aad muddo qalloocisid, qoor xanuun iyo caajis waa dareemaysaaa.
Sida kale hadduu araggaagu daciif yahay oo isku taxallujisid inaad wax badan akhrisid, iyadane madax xanun iyo qoor xanuun ayaa laga qaadaa.