Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abu Sumaya on March 09, 2017, 06:07:25 PM

Title: Su'aal: Wadno garaac kabadan inta la yaqiinay?
Post by: Abu Sumaya on March 09, 2017, 06:07:25 PM
Waxan rabay inan wax ka ogaado wadno garaaca siyaadada eh. Waxaa ii joogto labo caruur gabar iyo wiil labaduba waxa lagu dhalay wadno garaac saaid ah waqtiga ey xanuun san yihiin way oogu sii daran tahay lakin wax xanuun ah kuma hayso' ciladaasna maqabno aniga iyo xaaskaba. Marka wax dhib ah miyay keeni doontaa arinkaan?. Malaga daaween karaa?
Title: Re: Su'aal: Wadno garaac kabadan inta la yaqiinay?
Post by: SomaliDoc on June 11, 2017, 11:28:58 AM
Caruurta mar walba way ka wadne garaac badan yihiin dadka waawayn, marka in la isbarbar dhigo ayaa qalad ah, markuu qofka xanuunsado waa arrin dabiici ah in wadne garaaca uu siyaado khaasatan haday qandho jirto, midda kale caruruta wadne garaacooda si sahlan ayaa loo fahmaa.

Caruurta 3 illaa 4 sano: 80 illaa 120 garaac ayuu wadnaha sameeyaa daqiiqadii.
Caruurta 5 illaa 6 sano: 75 illaa 115 garaac ayuu wadnaha sameeyaa daqiiqadii.
Caruurta 7 illaa 9 sano: 70 illaa 110 garaac ayuu wadnaha sameeyaa daqiiqadii.
Caruurta 10 sano ka wayn iyo dadka waawayn: 60 to 100 garaac ayuu wadnaha sameeyaa daqiiqadii.

Marka taasi xanuun maahan, waa abuuris ilaahay.