Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Karar on March 14, 2017, 07:15:09 PM
-
Asc magacayga waa abdi mohamed walaal dhakhatiirta sharafta leh ruuntii hawl adag ayaa dadka u haysaa wana ku mahadsantahiin
Waxaan rabaa inaan kula wadaago mudo ka badan halsano waxaa i haysay hurdo xumi ama hurdo la'aan markaan sariirta tago isla markiiba waan gam'aya ama waan seexanaya lakiin waqti yar kadib waxaa dareemaya inaan hurdin oo aan qarwaayo ilaa salada subaxa laga gaarayo mararka waxaa moodaa inaan hurdo laakin waabarigii waxaan daal xaddhaaf ah, waxaan la kulmay dhaqtar neurologist baaritaan dheer buu igu sameeyey oo ka midtahay sleep study wuxuu isheegay inaan qobo wax ladhaho narclepsy wuxuuna iqoray dawo ladhaho trazodone 50m ka hor intana tagin sariirta,,
Walaal maxaa keena narclepsy maxaaseblugu daweeya dAwo waa tii allah swt aad iyo aad baa u mahadsan tahay
-
U malayn maayo in Narcolepsy ku hayso, sababtoo ah dadka qaba cilladaan waxaa lagu yaqaanaa Hurdo badan, weliba haday la kulmaan meel dagan oo aan buuq lahay, hurdo iskama celin karaan, shaqada ayay ku dhex hurdaan.
Waa laga yaabaa markaas inuu qofka hurdada ku dhex qarwo ama ku dhex calwasaado, laakiin waxaa muhiim ah inuu qofka marka hore hurdadiisu ay tahay sida aan kor ku soo sheegay.
Daawada laguu qoray way ku caawin kartaa, maadaama ay maskaxda dajiso, sababtoo ah waxa ugu badan ee qofka hurdada ka qaso waxaa ka mid ah inuu qofku qabo isku-buuq ama welwel, taasi daawadu way kaa caawin doontaa, laakiin maahan daawo u gaar ah Narcolepsy.
Haddii aad u baahan tahay faahfaahin dheeraad ah, waa in lagu waraystaa si loo ogaado cilladda rasmiga ah.