Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Zuldan on March 30, 2017, 09:33:35 AM

Title: Su'aal: Dareemada xun xun sidee looga takhalusaa?
Post by: Zuldan on March 30, 2017, 09:33:35 AM
Asc bahda Somali doc salaan ka dib magacygu waa suldan oo jooga soomaaliya ‚walaalyaal waxaan rabaa in aan dhakhtarka waydiiyo laba suaalood:
1:waxaan dhib Ku qabaa go'aan badalida mark aan go'aan aan qaaty is iraahdo badal oo wax kale samee waxaan dareemyaa culys iyo isku buuq isoo wajaha markaan goaankaan qaaty badalo.
2:Dareeno xunxun oo wax aan anigu dooneyn niyadyda kusoo celcelinya‚jiif iyo joogba ii diidey.
waxaan codsanyaa in la ii shaarraxo intii aqoontiina iyo inaad iga caawisaan sidaan uga takhalusi lahaa.
Title: Re: Su'aal: Dareemada xun xun sidee looga takhalusaa?
Post by: SomaliDoc on July 09, 2017, 08:56:10 PM
Go'aan badalidda oo dhib kugu ah iyo fikrado maskaxdaada ka bixi la' oo kugu soo laalaabto waxay tilmaan u tahay cilladda loo yaqaano OCD oo link-gaan iyadoo faahfaahsan aad ka akhrisan kartid: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3700.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3700.0)

Waxaa kaloo muhiim ah inaad akhrisatid qoraalkaan kale oo ka hadlayo farqiga u dhaxeeyo cilladda kore ee OCD iyo cilladda GAD oo badana isku astaamo dhaw: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5901.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5901.0)

Haddii aad u baahan tahay la talin kuu khaas ah ama faahfaahin intaa ka dheer, fadlan ku soo biir liiska barnaamijka dhakhtarka adigoo nagala soo xiriira boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/)