Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mxmd111 on April 05, 2017, 01:41:00 PM

Title: Su'aal: Timaha oo qaybta fooda ka khafiifay?
Post by: Mxmd111 on April 05, 2017, 01:41:00 PM
asc Dr waan ku salaamay waan kaaga mahadcelinayaa caawintaada dhanka caafimadka ah eed mar walba la garab taagan tahay bulshada somaliyed intaas ka dib su.aal ayaan qabaa waana sidan
dr mudo ilaa 3 sano ah ayey timahaygu go.aan waliba qaybata hore ee fooda xoogaa familkuna waxay leeyihiin bidaar marka ma laga hortagi karaa wax dawo kaalmaati ah oo la qaato ma jiraan
suaasha 2aad. dr saliido la isticmaalo ayaa jira ayaan maqlay wax ma ka taqaanaa maxayse qabtaan thnks allot
Title: Re: Su'aal: Timaha oo qaybta fooda ka khafiifay?
Post by: SomaliDoc on July 17, 2017, 01:04:13 PM
Timaha oo foodda hore ka daato waa bidaar bilawgeed khaasatan haddii ay qoysku dhaxal u leeyihiin, bidaarta daawada loo isticmaalo waa midda cudur ahaanta u timaado, ka akhriso halkaan qoraal kuu kala sharxayo farqiga u dhaxeeyo labada bidaar: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5726.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5726.0)

Qaabka lagu xalliyo bidaarta dhaxalka ah waa in tinta la beero, ka baro halkaan qaabka loo beero iyo warbixinno dheeraad ah: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7624.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7624.0)