Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Emran Cade on April 08, 2017, 10:05:59 AM

Title: Su'aal: Ragga qaarkood hal xiniinyo leh?
Post by: Emran Cade on April 08, 2017, 10:05:59 AM
asc dhaman dector da wan idinka mahd celinaya adega cfimad e noo fidisan...
Waxn ahy wil dhalin yara
 da,daydu waa 23  waxn isku arkay in labadayda dhikilod mida midig ay iga maqan tahy  sido kale xininyahaga wax korina ma samyno wuuna shuucsan yahay .. Wali wax dhakhtar ahna ma aadin aad ayan u walwalsanhy  marka mxa u sababa se samayn ma ku yelanysa dhanka dhalmada
Title: Re: Su'aal: Ragga qaarkood hal xiniinyo leh?
Post by: SomaliDoc on July 21, 2017, 07:47:00 PM
Way dhici kartaa inaad hal xiniin aad ku dhalatay waxaa kaloo dhici karta in xiniintii kale ay gudaha caloosha ay jirto oo aysan soo dagin markaad yarayd taasoo loo yaqaano "Undescended Testicle", waana cillad lagula taliyo waalidiinta inay ku baraarugaan inta cunuga yar yahay si booskeeda loogu soo celiyo, sababtoo ah haddii ay waqti dheer ka soo wareegato xiniintu way dhimataa, waana qasab in la xaqiijiyo in xiniintaasi ay kugu jirto iyo in kale, haddii ay kugu jirto waa in lagaa soo saaraa, sababtoo ah hadhow xanuun kale ayay isku badali kartaa.

Haddii aysan kugu jirin, wax dhib ah lama kulmi doontid insha'llah oo halkaaga xiniin ayaa kugu filan, kuna ilmo dhali kartaa haddii aysan jirin cillad kale. Fadlan la xiriir dhakhtar si laguu saaro qalabka Ultrasound-ka, waana muhiim inaad u sheegtid dhakhtarka sababta aad isku saaraysid kumbuyuutarka si uu ugu baraarugsanaado, safiicanne u raadiyo maadaama ay shuuqayso, isna badali karto.