Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CAGASAXAR on April 13, 2017, 11:08:38 PM

Title: Su'aal: Waan cuslaaday, naasahane way i weynaadeen?
Post by: CAGASAXAR on April 13, 2017, 11:08:38 PM
Waxaan akhristay cilada naaso bararka raga lkn waxan jeclaa in laiifaideyo anigu waxay igashay wax laf ahana markan qaan garka nowday 15sano hada waxan jira 22 sano awal ayado yar ayay igu taalay inbadan ayaan damcay inaan sidi dhaqanka ahayd iskaga jabiyo oo ah in laisku dayo in la burburiyo lkn markan xanuun daremay ayan iskadayay hada mudo sanad laga joogo ayaan yara cusladay way iweynaden suashayda waxay tahay riixidaas iyo burburintaas aan iskudayayo masii waynayn karta??? Sidoo kale qaab farsamo oon kubaabin karo majirtaa Kheyr Allaha idin siiyo
Title: Re: Su'aal: Waan cuslaaday, naasahane way i weynaadeen?
Post by: SomaliDoc on July 29, 2017, 04:24:59 PM
Burburinta iyo riixriixitaanka naasaha dhowr dhib ayaa laga dhaxlaa oo ay ka mid yihiin: in naasuhu sii bararaa, caabuq qaadaan, muruquhu dhaawac gaaro ama qanjirrada naasaha ay cilladi kale ku dhacdo, hadduu cayilka sabab u yahay naaso bararku waa in cayilka la ridaa, wayna jir dad baruurtu ay ka gasho naasaha oo ka cayilo, haddii cillad kale ay jirto oo dhinaca hormoonnada ahne waxaa jiro daawooyin loo qaato ama qalliin ayaa lagu sameeyaa ee fadlan dhakhtar la xiriir.

Naaso bararka lagu arko ragga horay ayaan uga hadalnay, qofkaan akhrisan link-gaan haka daalacdo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5855.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5855.0)