Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Gaadhgaadh on April 14, 2017, 05:20:13 PM

Title: Su'aal: Waa maxay Bronchiectasis?
Post by: Gaadhgaadh on April 14, 2017, 05:20:13 PM
Asc bahda somalidoc bacda salaan
Waa ku mahadsatihiin qaabka hufan oo ugu adeegtaan bulshada soomaaliyeed.

Su'aashadayda waxay tahay
Dhakhtar aan dhawaan la kulmay ayaa ii sheegay inaan qabo xanuunka (Bronchiectasis)
Hadaba dhakhtar xanuunkan muxuyahay somali se maxa loo yaqaan, dhulsomaliyeed ma joogo.
Hada daawo (Antibiotics) ah buu ii qoray dhakhtarka oo laba bilood ah ka dibna waan ku laa banaya wuxuu ii sheegay in qaliin laygu sameeyaa inay suurta galtahay,
Hadaba dhakhtar xanuunkan xal kale ma leeyahay oo aan qalin ahayn?
Muxuuse keeni karaa hadii aan iska dhaafo oo aanan qaliin samayn?
Jaxaakunullaah khayr

Title: Re: Su'aal: Waa maxay Bronchiectasis?
Post by: SomaliDoc on July 29, 2017, 04:30:08 PM
Bronchiectasis waa caabuq malaxi gashato oo lagu arko dhuumaha hawo mareennada, waxaa badanaa cilladaan lagu arkaa dadka tiibishadu ka daawoobay laakiin dhaawacyo ku reebtay, Alle wuxuu dhuumaha hawada ku abuuray difaacyo u qaabilsan in wasakhda iyo infekshanka kala dagaallamaan sambabada, sida qanjirro dheecaan jeermis dile ah soo daayo, wax sidii dhogorta camal ah oo qashinka soo saaro, qanjirro xab soo saara oo qashinka inuu gudaha usii gudbo ka ilaaliya, haddii marka dhuumuhu dhaawac gaaraan, barar ayay yeeshaan, difaaca ayaa meesha ka taga, wasakh ayaa fadhiisato, caabuq joogto ah ayaa ku dhasho, waxaana badanaa sabab u ah tiibishada qofka aan dhakhso laga daawayn, xalku waa in qofka la siiyo antibiotic lagu dilayo jeermiska meesha ku nool, daawo xabka soo saarayso iyo kuwa hawo mareennada waasicinayso si uu qofka u neefsado hadday neefsashado dhib ku ahayd, laakiin cilladaan muddo kooban ayaa laga bogsadaa wayna soo laalaabataa, xaaladaha qaarne qalliin ayaa lagu sameeyaa.

Haddii aad u baahan tahay faahfahain intaa dheer ama talo kuu khaas ah waxay ku xiran tahay baaritaananda lagugu sameeyay, heerka uu xanuunkaaga marayo iyo daawooyinka aad qaadatid, si arintaa lagaaga caawiyo, toos iigala soo xiriir bogga Facebook-ga qeybtiisa massages-ka: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)