Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ibracade281 on April 14, 2017, 10:26:38 PM

Title: Su'aal: Xanuun dhanka lafaha ah?
Post by: Ibracade281 on April 14, 2017, 10:26:38 PM
asc somali doc aad baan idiin salaamay marka hore marka xigtana waxaan jecalahay inaan idiin weydiiyo , waxaan ahay wiil dhalinyaro ah 20 jir marka waxaan qabaa xanuun dhanka laftaha gudaha ah oo bishii ama labadii bil mar ama labo mar aan isku arko oo markii lugta aan laabo xanuun saa'id ah aan dareemaayo ilaa iyo mudo 2 daqiiqo ku siman ka dib aan caadigeega kusoo laabanaayo anigoo iska ilaalinaayo inaan hadana laabo lugta markalle sida caadada ah xanuunkaan 2 lugood igama wada qabto marba mid buu iga qabta midig ama bidix waxaan ka dareemaaya lafta gudaha , mararkuu i qabto salaada xitaa dhib ayeey igu tahay laabida lugaha xiliga fadhiga , markii uu i qabto wuxuu i haaya maalin iyo habeen ama labo maalin mar mar ,  marka waxaa laga yaaba roomatiisimo inuu yahay inkastoo aanan aqoonin rooma tiisimo laf ahaantiisa marka tallo haleyga siiyo muxuu yahay maxa sababa maxaa daawo u ah , rooma tiisimo inuu yahay malaga yaaba un aniga roomatiisimo dhagta unbaan ka maqlay .

        Mhdsnd.
Title: Re: Su'aal: Xanuun dhanka lafaha ah?
Post by: SomaliDoc on July 29, 2017, 04:36:36 PM
Warbixintu waxay ku xiran tahay da'da aad jirtid, sababtoo ah xanuunada lafa xanuunka u keeno dhalinyarad iyo dadka waawayn waa kala laba, sida aad tilmaantay xanuunku wuu noqon karaa roomaatiisam, wuxuu kaluu noqon karaa lafaha oo tayadu ku yar tahay sida kaalsiyamta, fitamiid D IWM, wuxuu kaluu noqon karaa cillad murqaha ah oo lafa xanuunka badanaa lagu qaldo, waxay kaloo noqon kartaa xanuun neerfo.

Si loo kala ogaado cilladaada waxaad u baahan tahay waraysi dheeraad ah si loo kala sooco xanuunkaaga, nagala soo xiriir qeybta massages-ka ee bogeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)