Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mr Wadani on April 15, 2017, 04:39:48 AM
-
Asc dhamaan dhakhatiirta sharafta leh
Magacaygu waa Mohamed Ahmed
1. Waxan tabanayaa cunto xumi oo ah markaan dareemo gaajo niyad ahaan inaan wax cuno ayaan rabaa balse markaan labo (2) jeer ama sadex (3)jeer aan darsado cuntada lalabo ayaan dareemaa kadibna wayba iga hor'imataa cunada oo maba cuni caro.
2. Mararka qaar anigoo gaajaysan ayaa waxa dhacdaa hadii ay ii soo carafto cunada mise suugada inaan afka saaro iskabadaa ee halkas ayanba ooga tagaa waxana isku arkay dhibkaan mudo hada laga joogo 7years (sano).
Waxan laxariiray dhaqatiir kala duwan balse waxba iima sheegin xataa gaas ayan iska baaray lkn maqabtid aaya la'idhahay.
Waxan codsanayaa inaad faafahin iyo talo iga siisaan arintaas inshaallah
-
Lalabada la dareemo markii cunnada laguu keeno ama kuu soo carafto waa cillad badanaa ka dhalato caabuqa caloosha, waxaana lagu arkaa dadka gooryaanka qabo ama infekshannada kale sida Amiibaha iyo jaarda laambiyaha.
Haddii aad astaamahaas isku aragtay, fadlan saxarada iska baar si loo ogaado cilladda caloosha ka jirto.