Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on April 24, 2017, 06:56:58 PM

Title: SU'AAL: KHUDAARTA AAN LA DIIRIN, MA LA KARSAN KARAA?
Post by: CilmiSabca on April 24, 2017, 06:56:58 PM
Salaan ka dib.
Haddii khudaarta la karsado iyadoo aan qolofta la diirin, ma isku mid baa marka qolofka laga diiro oo la kariyo. Kuwee baa nafaqo badan?
Khudaarta aan ka hadlayo waa Khudradda suugada laga sameeyo sida; Yaanyada, Baradhada, Bocorka, IWM.
Mahadsanidiin.
Title: Re: SU'AAL: KHUDAARTA AAN LA DIIRIN, MA LA KARSAN KARAA?
Post by: SomaliDoc on September 04, 2017, 08:55:23 PM
Qudaarta leh qolofta ee la fiiqo inta aan la karin sida yaanyada, baradhada iyo bocorka waxaa fiican in aan qoloftooda lagu kariyo markii nafaqo ahaan loo hadlayo, sababtoo ah qolofta waxaa ku jiro nafaqo u gooni ah, tusaale ahaan yaanayada qolofteeda waxaa ku badan maadada loo yaqaano "carotenoids", sidoo kale qolofta baradhada waxaa ku badan maadada loo yaqaano "Potassium", waxaa intaa sii dheer in qolofta qudaarta badankood aysan caloosha shiidin, laakiin faa'idooyin kale laga helo sida jilcinta saxarada iyo dheefshiidka mindhicirrada.

Talo: Haddii aadan qolofta jeclayn, cunnada markaa ku karisid kadib iska bixi, faa'idadeeda suugada ayay ku hartay.