Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Funasri on May 05, 2017, 09:36:23 AM

Title: Su'aal: Urta farjiga?
Post by: Funasri on May 05, 2017, 09:36:23 AM
Asc ditoore aad baan kuugu mahad celina sida wanaagsan ee caafimaadka nooga caawisid waxay suaasheeda taha urta farjiga xilikasta waxa keena iyo talo iyo daawo


Mahadsanid ditoore
Title: Re: Su'aal: Urta farjiga?
Post by: SomaliDoc on October 01, 2017, 05:10:26 PM
Urta farjiga waa cillad ay ka sheegtaan haween badan, waxa ugu badan ee keeno waa bakteeriyada ku nool xubinta taranka oo si xad dhaaf ah u badato, xaaladaas oo loo yaqaano "Bacterial vaginosis".

Waxaa ku xiga caabuqa lagu kala qaado galmada ee loo yaqaano "Trichomoniasis".

Badanaa caabuqa fangaska, jabtida iyo kalamiidiyaha ma keenaan urta farjiga.

Mararka qaar urta way isbadali kartaa adigoo wax caabuq ah qabin sida dhididka badan, huurka, xilliga caadada, nadaafad xumada IWM, laakiin urta ka timaado caabuqa waxaa lagu gartaa in qofka uu dareemo astaamo kale sida cuncun, qoyaan yimaado iyo dhabar xanuun.

Haddii ay jirto fiiskolo oo ah isu-furan u dhaxeeyo farjiga iyo malawadka, waxaa la dareemi karaa ur joogto ah oo aan isbadalayn hadduu qofka xitaa qaato daawo.

Haddii aad isku aragtay astaamaha kor ku xusan, fadlan la xiriir dhakhtarka haweenka, iskana ilaali inaad isticmaashid walxaha lagu carfiyo ama la mariyo xubinta hoose, taasoo keeni karto inay dhumiso isu-dheeli-tirnaanta aashitada xubinta, taasoo u horseedi karto in caabuq dheeraad ah yimaado ama jeermisiyo kale.