Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ummucabdulmuncim on May 06, 2017, 12:33:18 PM
-
Asc bahda somalidoc Illaahey kheir badan hani siiyo wax badan Ayaan ka faa iiday boga an.
Suaasheyda waxa waye wax badan ayaan caadada ku xanuusanaaye ilaa markii iigu horeeysey cadaada Doctor ka Africa waxe isin jireen pain killers Iyo talooyin lkn wadankan Doctor kan la xiriirey waxey isiisey Barth control pill Abelonelle 28 maanan isticmaalin wali talo ayaan idin soo weeydiiyey soma doc. Malo qori kara qof cadaada ku xanuusta kaniinka ilmaha liskaga controlo?
Wax caado wareera ahna ma qabo. Uga raali ahaada hadan qoralka dheereyay.
Waa mahadsantihiin somadoc.
-
Caado xanuunka waxaa keeno hormoonka loo yaqaano "Progesterone", kullamaa uu hormoonka bato kullamaa murqaha minka ay giigsamaan, xanuunkane uu bato, laakiin markaad qaadatid daawada ka hortagga uurka hormoonkaasi wuu yaraanayaa, xanuunkane wuu yaraanayaa. sidaa darteed ayay dhakhaatiirta u qoraan, laakiin maahan wax ay dhakhaatiirtu ka wada siman yihiin, tusaale: haddii aad u baahan tahay inaad uur qaado ama ka welwelsan tahay waxyeellada daawada, ha qaadan, laakiin haddii aad u baahan tahay in qoysheyato qoyska ama uurka dib u dhigto waad qaadan kartaa. Akhriso qoraal ku saabsan daawooyinka uurka looga hortago: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5840.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5840.0)