Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qahdaan on May 11, 2017, 10:59:26 AM
-
Asc magaceygu waa Abdinasir Dr. Jazaakallah sidaa noo dhiiri gelineyso inaa wixii su'aasu'aal ah ee Aan qabno Kuu soo gudbin Karno Anigana waxaan wataa su'aal Ah.
Waxaan isku arkay markii howsha Sariirta aan dhameey (Biya Baxo) lugaha wey i gororaan inta jilbaha ka hooseeso Maxaa keeni kara Dr. Maxaase u baahanahay inaan Qaato ? MAHADSANID
-
Waa cillad ay dad badani ka sheegtaan, sida dabiiciga ah dadka qaar marka ay biyo baxayaan, waxaa wada kogmo murqaha dhbarka, barida iyo lugaha, waxaa xaaladaas loo yaqaanaa "Myotonia", waa arrin dabiici ah, laakiin dadka qaar waxay ku reebtaa tabardarri, goror, dikaan ama gariir.
Dadkaasi waxaa lagula taliyaa inay cabaan biyo badan sababtoo ah markuu jirka fuuq baxsan yahay, xanuunka murqaha aad ayaa loo dareemaa galmada kadib, marka ku dadaal inaad biyo cabitaanka joogtayso maadaama jirka u leeyahay faa'idooyin badan. akhriso qoraal aan kaga hadalnay faa'idooyinka biyaha ee jirku u leeyahay: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5971.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5971.0)
Midda kale hadday jirka ku yar tahay macdanta loo yaqaano "Postassium" iyadane murqo xanuunka iyo gororka waa la dareemaa biyo-baxa ka dib, sidaa darteed waa inuu qofka ku dadaalo cunista mooska oo laga helo macdantaan, akhriso faa'idooyinka kale ee mooska laga helo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7215.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7215.0)
Marka soo socoto tijaabi, biyo badan cab, xabad moosne cun inaad caadi noqotid ayay u badan tahay.