Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kulmiye88 on May 17, 2017, 06:20:19 AM

Title: Su'aal: Xaniinyaha Halka xabo ah?
Post by: Kulmiye88 on May 17, 2017, 06:20:19 AM
Acs dr Abdullahi Mahdi marka xigta waxaan garan waayay hab aan kugu soo diro su'aal aan in muddo ah qabay taaso ah sida tan"
Name Maxamed xuseen
Age.......24
Adress....Mogadisho
Email....Kulmiye920@gmaill.com

Dr.sanadii 2007 waxaa aad ii xanuunay Xaniinta bidix jirta waxaa u tagay taqtar wuxuu ii shiigay in ay maal ku jirto lana dilaciyo ama af loosameyo si maashasi looga soo saaro halkasi sida baa la yeelay daweeyn ka dib isbitalki ayaan kasoo baxay xaniinti ayaa dhagax cml i noqotay marba marka kasii dambeysay waabay sii yaraaneysay ilaa aaqirkii aan waayay meel ay ka baxday oo ay jirto ilaa hadana ma hayo sideey wax u jiraan hadii aad cilmi u leedahayna waxan kaa codsanaya inaad faahfahin iga siiso
Teeda kale Ragga nimadeyda maxay u dhimi kartaa oo maku shaqeeysan karaa halka xaniin ee ii soo haray Allaha ii daayee walina ma aanan guursan hada ayaan rajo leeyahay oo an rabaa inaan guursado saameeyn ma igu yeelan kartaa adigoo mahadsan.

#Mahadsanid

FG.Su'aal aan rabay inaan muddo ku weeydiyo ayaan malaha jaanis maanta u helay waan kaaga mahdinaya hadii aad jwb iga siiso anigoo Muddo Dheer ka mid ahaa aqristayasha page kaagaan.
Title: Re: Su'aal: Xaniinyaha Halka xabo ah?
Post by: CilmiSabca on September 28, 2017, 04:59:48 PM
Linkiyadaan su'aashaada ayay u dhaw yihiin, balse inta lagaaga soo jawaabayo su'aashaada, labadaan link ka sii faa'iideyso
Halkaan ka akhriso:-
Hal Xiniin (http://bit.ly/2fud279)

Halkaan ka akhriso:-
Bararka Arooriyaasha Xiniinyaha (http://bit.ly/2ftkzD7)