Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mustaf Colombo on May 17, 2017, 05:32:11 PM
-
Asalaamu Caleykum Dr Mahdi
Waxaan rabaa inan ku weydiiyo Xaaskeyga Ayaa waxey qabtaa Wadno xanuun mar mar qabto
1. wadno xanuunka markey dareemayso waa marka uu Jiro Kulayl Ama markay isku buuqsantahay marka hore waxa wadnaha ka fuulayo culays iyado dhib ay ku tahay inay neefsato Ama ta badalkeed garaaca wadnaha zaaid noqdo mudo markay sida dareemayso waxa macquul ah in ogaalka ka tago mudo kadib way so tooseysa
2. ta kale o ah dhiiga aya ku yaraado waxay ku ogaan Karta waxay noqonaysa qof caajisan mar walbo o hurdo maaahe wax kale eesan u bixin cunto hadi ay cunto iyo hadi kale wa iskugu mid o maaha qof baahi dareemo jirkeda wa kululyahay mar walbo madax xanuun neh sido kale wey dareemeysa
3. Dhiigeda Si lama Filaan ah ayuu udhacaa Sidokalena Muuqalkeda Wuu isbadalaa Horay ayaa laga fahmaa
Mahadsanid Dr Mahdi Jawaab aan ka sugaaa
-
Xaaskaaga waxay u baahan tahay waraysi dheeraad ah iyo in baaritaan dhinaca dhiigga ah lagu sameeyo.
Qaabka aad u sharaxday xanuunka waxay u badan tahay in cilladdu ay tahay "Stress" ama isku-buuq taasoo calaamadaha aad tilmaantay oo idil yeelan karto sida diidmada, neeftuurka, bog xanuunka, kor hurka, cunno xumada iyo hurdo la'aanta, sababta intaas oo idil loo dareemane waa cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaco, garaaca wadnaha oo siyaado, aashitada caloosha oo kacdo, qasab maahan in dhiigyari ay jirto, waxaa laga yaabaa in cadadda dhiigeeda uu normal yahay.
Insha'llah haddii aad dhakhtar u gaysid waxyaabaha laga baarayo ha lagu daro heerka hormoonada thryoid-ka oo astaamahaan qaar yeelan karo.
Caafimaad ayaan u rajaynayaa.