Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Buhsramk on May 20, 2017, 10:28:19 AM

Title: Su'aal: Waxaan isku arkay xubinteeyda taranka?
Post by: Buhsramk on May 20, 2017, 10:28:19 AM
asc dr waad mahadsan tihiin mudo ayey igu qaadatay in aan fahmo qeeybta su aalaaha lagu qoro inta kadib
dr waxan qabaa su aalo
mida koowaad waxaan isku arkay xubinteeyda taranka bahal yar oo cad oo nool wuxuu u eg yahay geedka la dhoho diraha ee ciyaalka dabada ka galo sadax jeer camal ayaan isku arkay farjiga cuncun ayan daremay kadibna asaga ayan ku arkay
waa uu nool yahay wana ka naxay dhaqtar ayaan tagay wax dhici karo mahan ayey i tiri ee waa wax meel kale ka yimid
mida labaad dr waxa ila nool gabar walasheey ah
waxaa eey qabtaa xasaaasiyo marmar ayey ku kacdaa korka dhan wada cuncun xitaa dhagaha dhuunta iyo indhaha dhaqtar somalia waa kala daalnay kaalmati uun baa la siiya waana ku soo labata
maxaa u xal ah
iyo aniga waxan ahay hooyo uur leh ilmo na heeysata marka
ma la is qaadsiiya sidee ayaase la iski qaad siiya
dharkeeda iyo kuweena hadii hal baaf lagu dhaqo dhib miyaa gogosha joodariga dharka la sarao ma wadaagi karna
waan dheereeyay su aalaha sorry mahadsanid dr
Title: Re: Su'aal: Waxaan isku arkay xubinteeyda taranka?
Post by: SomaliDoc on November 24, 2017, 08:04:26 PM
Bahalka aad tilmaantay inaad dhinaca farjiga ku aragtay ma ahan wax badanaa dhaco laakiin waxaa suuragal ah in dhinaca dabada uu ka soo baxay ama waxaa dhici kara inkastoo ay tahay arrin fog in ay jirto wax la dhaho "Fistula" ama isu-furan u dhaxeeyo malawadka iyo farjiga taasoo bahalka halkaas uu soo maray, kadibne farjiga ka soo baxay, laakiin waxaa markaas dareemi lahayd dheecaan urka saxarada leh oo farjiga ka yimaado iyo infekshan joogto ah oo soo laalaabto ee maahan bahal la isku arkay kaliya.

Su'aasha ku saabsan walaashaa, haddii ay cilladdu tahay Allarji kaliya maahan wax la is qaadsiiyo haddii aad dhar wadaagtaan, laakiin haddii xanuun maqaar kale uu jiro waad kala qaadi kartaan khaasatan kuwa jeermisyadu ay keenaan, hadduu Allarji kaliya yahay daawadiisu waa kumeel gaar markuu ku kacsan yahay kaliya ee ma jirto daawo jirka hal mar ka wada saarayso.
Title: Re: Su'aal: Waxaan isku arkay xubinteeyda taranka?
Post by: Riyo on November 25, 2017, 02:16:47 AM
digtoore waa sida ad sheegtay bahalkaasi oo nool ayn ku arkay
dabadey waan la fajacsanhay ilaa hdda ee waliba wxu badanyhy marka kuleelaha habeeno iyo duhuro ayn isku arkay ee doct maxaa dawo u ah bahalkaasi
Title: Re: Su'aal: Waxaan isku arkay xubinteeyda taranka?
Post by: SomaliDoc on November 28, 2018, 07:58:30 PM
Haddii ay sidaasi tahay waxaad u baahan tahay in dhakhtar aad al xiriirtid si loo xaqiijiyo inaad isu-furan (Fistula) qabtid kadibne qalliin ayaa lagu xalliyaa si cilladaan dib dambe loo arkin.