Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Buhsramk on May 20, 2017, 10:33:48 AM

Title: Su'aal: Waxaan isku arkay dhiig yar?
Post by: Buhsramk on May 20, 2017, 10:33:48 AM
dr uur ayaan leeyahay waaxaana ahay 42 week
shalay waxaan isku arkay dhiig yar dhaqtar ayaan aaday waxana la i dhahay waxad furan tahay hal sintimitir
xanuun fool ima heeyso marmar ayaan wax yar dareema
ilaa hadana hadaan musqusha galo waxan isku arkaa wax dhiigna u og xooga wasaq madow iyo xargo jiidjiidmayo ah
ilmaheygana waa yareeyay dhaqdhaqaqa ayagana waxa eey i leeyihiin ilmaha waa ku fiican yahay guriga iska joog markii xanuun badan ku qabto imoow
waxa socda waa maxay armaa ilmaha ey ka socdan xanuun la aanta iyo minka furan maxa waaye
plz hada hada awoodo iiga jawaaba
thanks
Title: Re: Su'aal: Waxaan isku arkay dhiig yar?
Post by: SomaliDoc on November 24, 2017, 08:09:52 PM
Haddii 42 usbuuc oo sax ah aad tahay, foolne aysan ku hayn, biyane ay kaa socdaan in lagu fooliyo ayaa wanaagsan, sababtoo ah waxaa dhici kara in xuubkii uu dillaacay taasna waxaa ka dhalanaysa laba cilladood oo kala ah: in biyaha uurjiifku ay dhamaadaan ama in infekshan aad qaadid maadaama xuubkii uurjiifka daboolayay uu dillaacay.

Fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Foolinta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4161.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4161.0)