Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Shanfool1 on May 21, 2017, 01:58:53 PM
-
Naas nuujintu miyay saaman ku leedahay caadada
Miyayse dibu dhigi kartaa xiliga caadada illaa inta naaska uu jaqayo ilmuhu
Uurse ma qaadikartaa xiligaa
Mahadsanid dr
-
Haa, naas nuujintu saameyn wey ku leedahay wareegga caadada iyo uurka labaduba.
Maadaama hormoonka caanaha kontaroola ee prolactin loo yaqaano uu kacsan yahay xilliga naas nuujinta hooyooyinka qaar isku arkaan caadada, qaarka kalane way ka wareertaa, qaarne uur maba qaadi karaan maadaama hormoonnada uurka qaabilsan ay aad u hooseeyaan nuujitna awgeed.