Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Balqiisahaaji on May 31, 2017, 10:49:33 PM
-
asc ramadan Kariim Dr adi iyo inta kaa caawisa la talinta dadka Soomaalida iyo baraarujinta caafimaadka jazakalaah khayr dr hadii su'aashayda ugudbo waxaa ii jooga wiil 4 sano iyo bar jira marka wiilkaygu ilmaha kale la dheelayo aad buu udhididaa caruurta kale na waa cAADI xitaa isagoo Iska fadhiya wuu dhididaa Dr arintan walwal bay igu haysaa maxaan sameeyaa
-
Haddii cunuga miisaankiisu uu fiican yahay, cunno cunistiisuna ay caruurta kale la mid tahay wax dhib ah maahan in dhidid badan uu leeyahay sababtoo ah dadku way ku kala duwan yihiin arintaas, sababtoo ah dadka qaar ayaa qanjirrada dhididku aad u shaqeeyaan, arintaas oo loo yaqaano "Hyperhidrosis". laakiin haddii cillad kale oo caafimaad ay jirto sida miisaankiisa oo sii lumayo, qufac, qandho, cunno xumo waa muhiim inaad dhakhtar la xiriirisaa si loo baaro.