Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Aboma02a on May 31, 2017, 11:36:53 PM

Title: Su'aal: Kaniini xoojiya Shaqada sariirta?
Post by: Aboma02a on May 31, 2017, 11:36:53 PM
Asc Ramadan kariim dhaqaatiirta sharafta leh waxan idin kaga mahad celineynaa sida aad nooga haqabtirtaan baahida dhanka caafimaadka.  Hadan u gudo galo suasha aan qabo waxan arkay Kaniini la dhaho wuxu xoojiyaa Shaqada sariirta Kaas oo haaynaayo 1:45 min ayaan aqriyay magaciisa Waxaa waaye  Testo Ultra dhaqtar waxan kaa codsanaa in aa ee faah faahiso in aay sax tahay Waxa aan arkay Waxaa ku qoran war bixin aay dhahayaan wuxu ka sameysan yahay wax yaabo dabiici ah MA na ahan sida viagaro waad mahad san tahay sxb yaal
Title: Re: Su'aal: Kaniini xoojiya Shaqada sariirta?
Post by: SomaliDoc on January 05, 2018, 08:30:57 PM
Taasi waxba kama jiraan, daawooyinka ugu badan ee internetka lagu xayaysiiyo laguna gado ee beenta lagu lifaaqo ayay ugu horeeyaan kaniinada nuucaan ah, midda kale in la yiraahdo daawadaan waa dabiici waa istaraatiijiyad suuq geyn oo shirkado badan adeegsadaan ee ka fogow intaad ka fogaan kartid, haddii aad daawo qaadanaysid la tasho dhakhtar, sababtoo ah waxaa dhici kara in dhibaato hor leh ay kugu reebaan sida horay u dhacdayba, horay waxaan uga hadalnay malab daawo ahaan loo yiri waxaa loo isticmaalaa sariirta oo aad suuqa u soo galay, dhalinyaro badanne ku daateen, qaar badanne ay ku xanuunsadee in gadaal laga ogaaday markii la baaray ka dib in daawada Viagra oo xad dhaaf ah in malabka lagu soo daray, akhriso qoraal aan horay uga hadalnay dhibaatada laga dhaxli karo daawooyinkaan haddii uusan dhakhtar kuu qorin: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3443.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3443.0)