Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Tasniim on June 08, 2017, 01:56:42 AM

Title: Su'aal: Waxaa caloosha ka qabtaa cudurka adhesions?
Post by: Tasniim on June 08, 2017, 01:56:42 AM
Dhaqtar waan ku salaamay salaan ka dib.  Su aashayda  waa  dhaqtarkayga  ayaa wuxuu i dhahay waxaa caloosha ka qabtaa cudurka adhesions?   dhowr sano ka hor ayaa caloosha leyga qalay .
Muxuu yahay cudurkan  afsomali maxaa lagu dhahaa dhibaatooyinkoo keeno ama aan kala kulmi karo maxaa lagu daweeyaa oo igula talin laheyn. Ma dhalaysnimana ma keeni karaa ?
Jazakallaah kheyr walaalkay sida aad nooga faa ideyso cilmigaga allaha miisaanka xasanaadka ha ku saaro .
Title: Re: Su'aal: Waxaa caloosha ka qabtaa cudurka adhesions?
Post by: SomaliDoc on January 26, 2018, 07:27:55 PM
Adhesions waa nudaha iyo xuubabka caloosha oo isku dhego ama isku shiilmo qalliinka ka dib, badanaa wax dhib ah ma keenaan, laakiin qofka wuxuu dareemi karaa xanuun, xaaladaha ugu daranne waxay keeni karaan caloosha oo kala xiranto laakiin maahan wax badan.

Midda kale adhesions-ka inuu madhalaysnimo keenayo in kale waxay ku xiran tahay qalliinka lagugu sameeyay nuuciisa iyo meesha lagaaga sameeyay.