Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Aragsanhagi on June 14, 2017, 05:48:57 PM

Title: Su'aal: Xilliga galmada wax shahwo ah igama timaado?
Post by: Aragsanhagi on June 14, 2017, 05:48:57 PM
Asc dhamaan dhaqaatiirta ka howlgasha Somalidoc waxa ugu mahad celina sida ay bulshada uga haqabtiran su'aaladooda. Waxaana rabaa in la iga jaawabtaan su'aalahan soo socda:-
1. Xiliyada caadada marki saacadaha ugu horeeyo waa matagaa? Maxaa xal ah?

Waxaa ahay qof xaas oo laqabo da'deyduna waa 17 jir nin baa lagu daray anigoo raali aan ka eheyn, marka jir ahaan iyo maskax ahaanba diyaar uma eheyn guur ama in aan oori noqdo marka su'aashu waxa ay tahay:
2. Xiliga galmada wax shahwo ah ma iga imaadaan farjigana waa qalalan yahay?

Waxaa idinka rajeyna in aad iga soo jawaabi doontaan su'aalaheyga Insha Allah.
                                                       Mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Xilliga galmada wax shahwo ah igama timaado?
Post by: SomaliDoc on March 04, 2018, 08:41:20 PM
Labada maalmood ee ugu horayso caadada inaad lalabootid ama matagtid waa arrin ay gabdhaha badankood isku arkaan mana ahan wax adiga kuu gaar ah, waxayna ka timaadaa hormoonada oo kacsan maalmaha ugu horeeyo caadada, waxaa kaloo la socon karo calool majiir iyo shuban mararka qaar.

Midda ku saaban shahwo la'aanta waa arrin dabiici ah haddii aadan u haynin wax hammi ama dareen kulanka maadaama aad sheegtay inaad dhibsanaysid kana soo horjeedid guurkaaga, taasi waa arrin dabiici ah haddii maskaxdu ay mashquulsan tahay ama diidan tahay galmada waxaa hoos u dhaca hormoonadii u qaabilsanaa inay qanjirrada qoyaanka soo daayo ka shaqeysiin lahaa, taasina waxay keenaysaa qallayl inaad dareentid amaba xanuun ku dareentid kulanka.

Allaha kaa qaado culeyska ku saaran, sidii kheyr ahne ha ku waafajiyo. Aamiin