Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Zakariye_2000 on July 05, 2017, 10:58:05 PM
-
Asc. Marka hore waad mahadsantey dr sidad noogu faaideyso su,ashan wato ayaa waxey tahey habeenkii hadii la gaadhaba diiqad ayan dareemay iyo daganansho la,an maalintii oo dhan caadiban ahey lakin habenki hadan meel u baxo weeye hadan guriga jogo waa caadi ta kale hadey hurdadaydu 8 saac ka yaraato diiqad iyo daganansho la,anban dareema maalintaso dhan marka digtoor wax tala isii waxan yelo garan mayo thanks
-
Waxaa fiicnaan lahayd inaad da'daada na la wadaagtid, haddii ay jiraan xanuuno kale oo aad qabtid ama balwad leedahay, sababtoo ah daalka iyo diiqada aad dareemaysid waxyaabo badan ayaa ka qeyb qaato, tusaale ahaan haddii aad qabtid xanuunka howlgabka qanjirka thyroid-ka ama xanuu na la mid ah oo keena caajis iyo daal badan, habeenkii ma jeclid inaad meel aadid ama howl qabatid maadaama maalintii aad maqnayd, sidoo kale haddii ay jirto cillad oksajiinta kugu yaraynaysa ama balwadda sigaarka aad leedahay waa laga yaabaa in habeenkii cabbur dareentid oo adoo daalan soo toostid, waxaa kaloo suuragal ah in aadan wax dhib ah qabin oo aad leedahay shakhsiyadda aamusan oo dhibka neceb, dadkaasi bixitaanka ma jeclo oo qorsho aysan ku talagalin haddii loo wado ama u baxaan way diiqoodaan, marka waxyaabo badan ayaa dhici kara ee haddii aad u baahan tahay waraysi iyo warbixin dheeraad ah na gala soo xiriir qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)