Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mr.cabdi on March 31, 2017, 03:16:33 PM
-
Asc dr.
Waxaan ahay dhalinyaro oo jira 25 jir ah waxaad qabtaa caabuqa prostateka.
Waxaan isku arkay calamadood ioo ad timamtay markii laga reebo inaa habenkii kadi u sokaco iyo in ey shah wada i gubto inta kan soo hartay waan leyahay . Waxaan la iga qaday kaadi dr.wuxuu dhahay ekfishin malahan dhiig ayaan ka qadaa.
Waxaan ka walal walsanahay hadii kadida laga wayay Ekfishinka dhiiga ma laga helee dhiiga kansarka bis mu shagaa mase jirashada qaabuqa Waa shegaa
Jawaab dag dag ah. Mahadsanid
1- Kaadida oo ku gubta markaa kaadinayso
2- Kaadida oo kugu hakato ama dhibic dhibic u timaado
4- In kaadi si dagdag ah kuu qabato laakiin aanan kaa imaanayn markaa suuliga fadhiisato
5- Qaska ama dhabarka qeybta hoose oo ku sinta xanuunto
6- Meesha u dhaxayso qooraha iyo futada oo ku xanuunto
7- Raaxo darri aad ka dareentid guska ama xaniinyaha.
8- saxarada oo shahwo la socono
Haddii calaamadaahaan aad leedahay waa in aad qaadataa daawo antibiotic ah muddo 4 isbuuc ah maxaayeelay caabuqa prostateka daawada waqtig gaaban wax ugama tarto.
-
Inta aad sheegtay oo idil waxay astaan u tahay cillad qanjirka borostaatada ah khaasata nuuca caabuqa ah oo loo yaqaano "Prostatitis", badanaa kaadida lagama dareemo calaamado caabuq, in qanjirka bararan yahay iyo inuusan bararnayn labaduba waa suuragal, dhiigga waxaa lagu arki karaa uun astaamo caabuq laakiin maahan mid qanjirka u gooni ah, sida kaliya ee lagu hubin karo waa in la duugo qanjirka borostaatada kadibne shahwada imaanayso baaritaan lagu sameeyo sidaa waa lagu xaqiijin karaa, midda kale daawadane waa sida uu dhakhtarka kuu sheegay 28 illaa 30 maalmood ugu yaraan waa in antibiotic la qaato sababtoo ah daawooyinka badankood qanjirka uma gudbaan, fadlan wixii faahfaahin dheeraad ah ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html)