Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Madruud on July 17, 2017, 05:20:58 PM

Title: Su'aal: Waxaan isku arkay kaadi xanuun?
Post by: Madruud on July 17, 2017, 05:20:58 PM
asc doc.
marke hore aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa dhammaan docs.
doctor ilaa bil waxaan isku arkay cilad dhanka kaadida ah, oo markii aan kaadida bilaabo wax xanuun ah ma dareemo lkn markii ey dhamaato oo aan iska nadiifiyo oo aan  musqusha kasoo bixi rabo ayaan kaadi kale iney iheyso dareemaa, markaas labaad waxaa iga yimaada wax midab sida burka oo kale ah oo aan fara badneen aad ayeyna ii xanuujiyaan inta ey socdaan ilaa dhowr daqiiqo oo ka dambeysa. haddii aan isku celiyo gubasho yar ayaan dareemaa.
doctor maxaad igula talin laheyd?
haddiise aan isku celiyo dhib miyey ii keyneysaa?
waad mahadsantihiin dhamaan ILLAH kheyr ha idin kasiiyo
Title: Re: Su'aal: Waxaan isku arkay kaadi xanuun?
Post by: SomaliDoc on May 19, 2018, 10:07:55 AM
Taasi waxay tilmaan u noqon kartaa caabuqa kaadiheysta ama qanjirka borostaatada, waxaad u baahan tahay inaad dhakhtar la xiriirtid si kaadida lagaaga baaro, qalabne lagaaga saaro kaadi mareenka iyo qanjirka.

Halkaan ka akhriso astaamaha kale ee lagu garto caabuqa kaadi mareenka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3237.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3237.0)