Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Daani on July 25, 2017, 11:27:28 PM
-
Asc
waxaan aad iyo aad u salamaya dhakhaartiirta halkan ku soo gudbiya wararka iyo xogaha iyo jawaabaha ay kaga jawaabaa su'aalaha ay usoo gudbiyaan dadwayanaha somaliyeed
waana arin aad ii farxad galisay
waxay tahay suaashaydu
Wiil aan saa xiibo nahay baa xaaskiisa lagu sheegay Tiibayda ku dhacda makaanka,in ay kaga dhacday makaanka.
Waxaana loo sheegay in makaanka tuubooyinkiisu xidhmeen suuragal na aysan ahayn in ay uur qaado
balse bacrin iyo in lagu abuuro ay ufuran tahay
markaan waxaan cod sanaynaa si wada jir ah
1- in naloo sharaxo sida ay suuragal u tahay in ay urr qaado iyadoo la isticmaalayo habkan casriga ee bacriminta
2- fursadaha ilmo loogu bacrimin karo in ay tahay wax laysku halayn karo oo qarash iyo hanti loo quudhi karo
3-in baadhista naloo sharaxo iyadoo iskaan ah baan halkan soo galinayaa
waan ka xumahay
sida aan sawirka usoo galiyo waa kasi waayey
illahay ajar iyo xasanaad haydinka siiyo caaiwintiina
-
Waa sax, haddii Tiibisho ku dhacdo minka ama tubooyinka, waxay xirtaa tubooyinka, siyaabaha lagu garto markay tubooyinka xiran yihiin iyo baaritaanada la sameeyo ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5791.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5791.0)
Haddii tubooyinka xirmaan, hooyadu waxay uur ku qaadi kartaa gacan-rimis, taasoo ugxanteeda iyo shahwada ninkeeda la iskula bacrimiyo gudaha minka ama diabadiisa, taasina waxaa kaala talin doono dhakhtarka howshaan kuu qabanayo, wayna dhacdaa in sidaasi uur Alle kugu siiyo.