Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Daani on July 29, 2017, 07:27:46 PM

Title: Su'aal: Sankayga malax ayaa ka socoto?
Post by: Daani on July 29, 2017, 07:27:46 PM
Waan idin salaamay


Sanka baa waxaa iga imaanaya wax malax oo kale ah oo qadhmuun
Dhakhtar baan utagay
Waxa uu igu yiri
Egfashin baa ku haya

Iraab buu ii qorey


Waxba igama tarin

Waxaa kale oo ii waheliya barar iyo qanjidho xanuun



Markaa dhakhtar muxuu noqon karaa
Title: Re: Su'aal: Sankayga malax ayaa ka socoto?
Post by: SomaliDoc on May 27, 2018, 12:23:03 PM
Sanka oo wasakh ka timaado, barar wajiga ah iyo madax xanuun fooraarisga u daran intaasba waxay astaan u tahay caabuqa sanqada, loona yaqaano "Sinusitis", fadlan qoraalkaan ka akhriso waxa uu yahay iyo sida loo daaweeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5636.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5636.0)