Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Naddiif on August 07, 2017, 04:47:55 PM

Title: Su'aal: Kalyaha ayaa i xanuuna iyo lugaha oo i olala?
Post by: Naddiif on August 07, 2017, 04:47:55 PM
Ogu horeyn ASC SmaliDoc. Wan xanuun sanahay in mido labo bilod ah xanunkayguna waxa uu ku bilabmaya laguha inta anqowga ka sareysa oo i olala ila markanbe kalyaha ay ila xanunan. Indhaha caad aya iga so galo xaga arag qofka iga yara fog wajigisa. Kadi badan oo igubayso hospital ayan tagay waxay iga baren dhiiga, kaadida iyo saxarada waxay igu sheegen malaria iyo Tiifow iyo infaction. Dawo irbado ubadan bay igu dureen wan dhamaystay waxa isbadal aan ka daremay kadidi igubaysay bas ah oo idaysay xanunka kale waa sidiisii. FG aniga iri iga bara sokor. Way ibareen waxayna igu dhaheen 84 waaye sokor ma qabtid todibad kadib ban isla ayagii iska baray waxay dhaheen sokortada waa 95 ma qabtid sokor. SomaliDoc ban ka sugaya jawab aan ku cafimafo insha Allah. Fadlan i caawi qof xanunsan ban ahay.
Title: Re: Su'aal: Kalyaha ayaa i xanuuna iyo lugaha oo i olala?
Post by: SomaliDoc on June 07, 2018, 12:15:35 PM
Ololka laga dareemo qeybaha hoose ee jirka ma ahan cudur sidiisa u taagan sababtoo ah waxay la socon karaan xanuuno dhowr ah, waxaa haboonaan lahayd in lagaa baaro bakteeriyada keento gaas calooleedka ee "h. pylori", sidoo kale saxarada laga fiiriyo hadduu jeermiska Amoebaha uu jiro, waxaa kaloo fiicnaan lahayd hadduu jiro xanuun lafaha sida roomaatiisamka, kaalsiyam yarida, xanuunka buruseelka.