Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed tilmaame on August 10, 2017, 11:34:39 PM
-
Su'aal : Xaasle ayaan ahay wakhtiga biyo baxa biyuhu ma saydhmaan ee kaliya inta ay xubintu ku joogto un weeyaan maxaa xalla?
-
Biyaha oo yaraadu maahan cudur ama arrin laga welwelo oo saameeyn ku leh uurka, sababtoo ah 1ml oo biyaha shahwada waxaa ku jira 15 illaa 20 million of shahwo, intaas oo idil hal xabo oo ugxanta dumarka bacrimiyo ayaa ku filan.
Laakiin waxyaabaha ugu badan ee keeno biyaha oo yaraado waa biyo cabid la'aanta, dhididka badan weliba dadka ku nool dhulalka kuleelaha ama huurka, qofka oo nafaqo darro hayso ama macdanta qaar ay jirkiisa ka maqan tahay.
Sidoo kale cunnooyinka la soo warshadeeyay iyo balwadda sida sigaarka waxay yareeyaan tirada iyo awoodda biyaha.