Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Marwo Hinda Xashi on August 17, 2017, 12:00:04 AM
-
asc wrwb magacaygu waa hinda
ad ban idin salamay dr sida hagar la anta ah ee ad umadada ugu shaqaynaysid jsakalah
sualahaga ..
dr caga xanun ayaan darema waliba olol leh
hurdada hadan galo on qaylo shaqdh maqlo wadnaha igarira ama albabka lagu furo
suasha 2 dr wan umulay dedna hosta waxa iga sojeda cadwayn omarkan tabto war war igu abura marmarka qar garac an badnayn ayan darema
-
Caga ololka, naxtinta, kor hurka, af-qallaylka, wadne garaaca, hurdo xumida intaasba waxaa leh xanuunka gaaska ee fadlan saxaradaada ha laga baaro bakteeriyada boog calooleedka keento ee loo yaqaano "H. pylori", fadlan faahfaahinta xanuunka gaaska video ahaan uga daawo halkaan: https://www.youtube.com/watch?v=-wDP0Ot9izU (https://www.youtube.com/watch?v=-wDP0Ot9izU)
Midda kale ee ku saabsan waxa soo kuusan ee aad dareemayso markaad kaadida iska dhaqaysid waa afka hore ee minka oo hoos u soo dheeraado, waana arrin ay isku arkaan dumarka foosha ka dib, wax dhib ahne ma keento in muddo ah ka dib, meeshiisii ayuu ku laaban doonaa.