Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Baariyow on June 24, 2017, 10:41:28 AM

Title: Su'aal: Caada wareerka iyo galmada badan?
Post by: Baariyow on June 24, 2017, 10:41:28 AM
asc bahda caafimad Somaliadoc jazakumu lahi kheyran ilhey kher haidinka siyo shaqada aad u heydaa bulshada ku hadasho afka Somalia bacdi salan waxan rabaa inaa dhoor arin iga jwbtn idinko raaliya gacliso deyda waxa aay ku dhib qabtaa cudrka caada wareerka waxan aqristay sidaa uga hadashen kher alla haidin siyo lkn suasheyda waa caada wareerka badan maxuu dhibata u keeni karaa galmada badan waxan jeclhay jwbtina mida kale eg fashin majiri karaa ama cudura kale oo la kala qaadi karo thanks
Title: Re: Su'aal: Caada wareerka iyo galmada badan?
Post by: SomaliDoc on October 09, 2018, 08:24:07 PM
Caado wareerka waxyaabo badan ayaa keeni kara sida aan ku xusnayba qoraalkii aad akhrisatay, infekshankuna waa mid ka mid ah, laakiin galmada badana xiriir lama lahan caadada inay wareerto. marka waxaan kugula talin lahaa inaad dhakhtar cudurrada haweenka u geysid si looga baaro waxyaabaha keeni karo kuwaasoo ay ka mid ah tahay hormoonada.

Waxyaabaha keeno caado wareerka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2145.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2145.0)