Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kaani71 on September 06, 2017, 10:20:55 PM

Title: Su'aal: Xininyaha oo i yaraada?
Post by: Kaani71 on September 06, 2017, 10:20:55 PM
Asc dr waxaan rabay inaan ku waydiyo waxaan isku arkay  xininyaha ayaa i yaraanaya sidii wax yar yar oo kor u duubmay bay noqonayan waxaana ka dareemaya xanuun yar xubinka taranka wuu la yaraanayaa  wuxuuna noqonayaa wax yar dareen badan baan la haan jiray hadase inta badan dareen saas ah ma lihi waxaanan isku arkay mudo bil ka hor ah
Mhdsnid dr
Title: Re: Su'aal: Xininyaha oo i yaraada?
Post by: SomaliDoc on August 02, 2018, 06:53:42 PM
Waxa kor u duubmayo haddii qooruhu yihiin waa arrin dabiici ah, maadaama haragaas uu mar fido marna duubmo iyadoo cimilladu ku xiran tahay, laakiin haddii aad ula jeedid waxa yaraanayo xiniinyaha oo ah ukumaha haraga ku dhex jiro taasi waa cillad u baahan in aad dhakhtar kala xiriirtid si computer laguu saaro loona ogaado, waxyaabaha ugu badan ee keeno in xiniinyaha shuuqaan waa caabuq ku dahca loona yaqaano "Orchitis", horay ayaan qoraal ugu faahfahainnay ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8414.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8414.0)