Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on September 27, 2017, 05:24:59 PM
-
Salaan ka dib, Dr.
Dadka qaarkood waxaan ku arkay cillad ku dhagan oo ah in aan lagu kari karin in ay iska cafiyaan qof ama dad ay isku dhaceen, xitaa haddii ay ka soo wareegtay muddo sannooyin badan ah.
Haddii la weydiisto cafis dhab ah, haddii loo hoydo baryo darteed, haddii xaal loo keeno iyo haddii ergo loo soo diro, innaba laguma kari karo in ay cafis iyo maslaxo guddoomaan.
Haddaba Dr. Wax Cafin la'aantu, ma cudur baa?
Waxaanse u maleynayaa mid ka mid ah cudurrada Maskaxda ku dhega.
-
In qofka ku cafin waayo ama go'aankiisa ku adkaysto cudur maahan waa simad lagu garto dabeecadaha qallafsan qaarkood, wuxuu qofka isku arkayaa qof laga caqli badiyay hadduu ku cafiyo ama go'aankiisu dabacsan yahay ama inuuba ka shakkisan yahay dalabkaaga oo uu kuu arko inaad mar labaad xumayn rabtid hadduu markaan ku cafiyo, waa calaamad lagu arko dadka qabo shakhsiyadda "pranoid personality", faahfaahinta dabeecadaan iyo kuwa kale ee aan dabiiciga ahayn ka akhriso linkgaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6876.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6876.0)