Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Libaan Abdi on November 01, 2017, 12:02:43 PM

Title: SU'AAL: CABSI HURDADA IYO HURDO LA'AAN?
Post by: Libaan Abdi on November 01, 2017, 12:02:43 PM
asc doctor wxn qabaa cabsi hurdo huro xumo
walwal murugo igu soo laa lameysa waxa ay
ka timidna aan garanaynin cabsi hurdada ah wn ka naxaa marka aan sexo is dhaho awla sidaa ma ahyn lkn hada hurdo dhan ma hayo
malikii tabar dari daal dhawaqa amaba hoonka
babuurta oo aan dhibsado wax jabaq ah wn ka naxayaa Dr xal isii
yarntaydii murugta amaba naxdinta igu taagan
wn lahan jiray oo wn is ilawsin jiray lkn hada hurdada ayaa laigu saliday mar alaa markan sexo
isdhaho ayan niyada igaga soo dhaceysaa hurada
dhana wey iga hadeysaa
Title: Re: SU'AAL: CABSI HURDADA IYO HURDO LA'AAN?
Post by: CilmiSabca on November 05, 2017, 08:09:28 AM
Dhibaatooyinka keena hurdo xumida wey tiro badan yihiin; sida dhawaaqyada, iftiinka iyo nooca jawiga qaboow ama kuleyl.
Waxaa halkaa ku qoran Xaaladda Hurdo La'aanta (http://bit.ly/2wmuOnI) naxdinta oo kale ku dadaal markii aad seexaneysid, in aad akhrisatid Qur'aanka Kariimka, gaar ahaan Suuraddaha 1, 114, 113, 112, 111, 110, 109, 2;255 Aayad Kursi.
Haddii meesha aad degan tahay uu buuq badan jiro sida Hoonka, ama uu iftiin bilig leh daaran yahay... Suuf dabacsan dhagaha gasho hana isku cadaadin. Ku xidho indhaha maro yar. Waxaad ka heli heli kartaa Dukaamada ama Farmashiyada, maro loogu talo galay ka celinta iftiinka indhaha iyo suuf dhagaha la gashado....

FADLAN KALA TASHO DHAKHTAR.