Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed333 on November 25, 2017, 06:58:50 AM
-
Asc waad ku mahadsantiin hawsha fiican ee aad umda somaliyed u haysan jasaka allah. Ma jira hab ama dawo la qaato oo kaa sacidaysa in mataano dhashan, waxaan maqlay in ay jirto dawo qof ka ka cawinaysa?
Waad mahadsantin.
-
Marka hore Alle ayaa bixiyo mataanaha, midda kale fursadda inay hooayda mataano qaaddo waxaa lagu qiyaasaa 250-kii jeer ee uur ah in hal mar kaliya ay mataano qaadi karto hooyada (1:250) laakiin waxaa jira waxyaabo la arkay inay badin karaan jaaniska uur mataano ah inuu Alle ku siiyo waxaa ka mid ah: haddii qoyskaaga ay dhaxal u leeyihiin mataano dhalista, haddii hooyada ay horay u dhshay mataano iyo haddii hooyada ay qaadatay daawooyinka fududeeya bacriminta ugxanta ee la siiyo hooyooyinka dhalmo la'aanta ka sheegto "Fertility treatment", sidaas ay tahayne ma ahan daawooyin qofka loogu qoro inuu mataano dhalo darteed.