Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Akhaa Binu Jowhari on November 28, 2017, 11:52:38 AM
-
Bismillah, Asc..Doc, waxan doonayaa in aan wax ka ogaado, Haddii Dhiiggayga uu ku badan yahay Maaddada Iron-ta, ama ay sareeyso, wax dhib ah makeeni karaa? Madaama aad muhiim u yahay....
FG: Waxan Boggaadinaya in dib u habayn lagu sameeyay wepka SomaliDoc, Rabi Ha'idin Garab Galo.
-
Birta oo jirka ku badato waxay badanaa ku timaadaa qaabab kala duwan, waxaa ugu horeeyo cillad loo yaqaano 'Polycythemia" oo jirku soo saarayo bir xad dhaaf ah, sidoo kale haddii dhiig badan lagugu shubo iyo haddii uu jiro xanuun kale oo kordhin kara birta jirka.
Haddii birta jirka ku badato waxaa yimaado xanuun loo yaqaano "hemochromatosis" taasoo macnaheedu yahay in birtu dul habsato xubno muhiim ah oo jirka ka tirsan sida beerka taasoo keento in beerku qolfoofo "liver cirrhosis", murqaha wadnaha taasoo howlgabin karto, sidoo xubinta ganaca taasoo keeni karto xanuunka macaanka, sidoo kale kalgoysada taasoo keeni karto in laabatooyinka ku adkaadaan, ugu dambayn waxay britu fadhiisan kartaa xubnaha taranka waxayne keeni kartaa hammi yari iyo dhalmo la'aan.
Cilladaan ma ahan wax ku badan bulshada laakiin waa la isku arkaa mararka qaar, xalkuna waa in qofka dhiigga laga shubo ama laga daadiyo markuu muddo joogaba.
Su'aal la xiriirto midaan oo aan horay uga jawaabay ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3455.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3455.0)
Ogow faa'iidada ku jirto dhiig bixinta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6358.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6358.0)